Mission

In aan kor uqaadno awooda fulineed ee magaalooyinkeena si ay unoqdaan xarumo leh hal-abuur iyo waxsoosaar dhaqaale oo heer sare ah iyada oo la abuurayo jawi sahlaya horumarinta iyo bixinta adeegyo hufan oo tayaysan kuwaas oo kor uqaa daya nolosha bulshada Magaalooyinka.

Vision

In la arko magaalooyinka deegaanka Soomaalida oo horumaray kuwaas oo soo jiita indhaha caalamka islamarkaana leh jawi kuhaboon nolosha iyo sidookale dhismayaal tayadoodu sarayso marka lagaadho 2040GC.

Core Values

Mabaadii’da Aas'aasiga

  1. Mudnaanta loo Adeegayaasha
  2. Adeegbixin Hufan
  3. Ka Qaybgalka Dadwaynaha
  4. Ka Go’naansho iyo Isbadaldoon
  5. Daahfurnaan iyo Islaxisaabtan
  6. Aaminaad
  7. Wadashaqayn iyo Iskaashi
  8. Daacadnimo
  9. Run Sheegid
  10. Dulqaad
  11. Isqadarin
  12. Hawlkarnimo
  13. Saraynta Xeerka iyo Nidaamka Shaqada
  14. Sinaansho iyo Cadaalad

Duties & Responsibilities

Xilka iyo Waajibaadka Xafiiska

Qodobka 16aad ee Bayaanka dib loo habeeyay (Tirsi 185/2011 ) ee Bayaaminta, Qaab-Dhismeedka, Awoodaha Iyo Waajibaadka Xafiisyada Fulinta, waxa uu si cad uqeexayaa Awoodaha iyo Waajibaadka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka Iyo Dhismaha.

Iyadoo ay sideeda tahay Awoodaha Xafiiska lagu siiyay Sharciyada kale, Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo dhismahu wuxuu yeelanayaa Awoodahan iyo Waajibaadyadan:

1. Isagoo tixraacaya Siyaasadaha iyo Istaraatiijiyadaha Dhismaha iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Heer Federaal waxa uu dejinayaa siyaasada iyo isteraatiijiyada heer deegaan, xilliga loo ansixiyana wuu dhaqangelinayaa.

2. Wuxuu xaqiijinayaa in dhamaan hawlaha Dhismaha guryaha, Wadooyinka magaalada iyo shaqooyinka naqshadaha dhismuhu ay yihiin kuwo waafaqsan halbeegyada iyo derajooyinka loo cayimay.

3. Wuxuu dabagal ku samaynayaa dhamaan hawlaha dhismaha ee laga fulinayo deegaanka; wuxuuna samaynayaa daraasad iyo cilmi-baadhid lagu ogaanayo tignoolojiyadaha, qalabyada dhismaha ee casriga ah ee loo adeegsanayo dhismeyaasha iyo Horumarinta Magaalooyinka.

4. Waxa uu xaqiijinayaa in deegaanka si buuxda looga dhaqangeliyey shuruudaha iyo Derajooyinka naqshadaha dhismaha ee laga soo saaray heer dal iyo deegaankaba;

5. Waxa uu suurtogeliyaa in lasoo saaro shuruuc iyo awaamiir la xidhiidha hawlaha naqshadaynta dhismayaasha iyo Qorshe-hagaha magaalooyinka; marka la ansixiyana wuu dhaqangelinayaa;

6. Wuxuu soo saarayaa shuruudo lagu qiimeeyo derejeda xirfadlayaasha naqshadaynta iyo dhismaha; wuxuuna siinaya shatiga fasaxa shaqada iyo shatiga xaqiijinta kartida xirfadeed, waxaanu dabogal ku sameeyaa shaqooyinkooda.

7. Waxa uu diiwaangeliyaa, Shatiga siiyaa kalana noqon karaa Qandaraasleyaasha ka hawlgala shaqooyinka dhismaha noocyadiisa kala duwan.

8. Waxa uu Hay‟adaha heer federal ee bixiya adeegyada Horumarinta kala shaqeeyaa hirgelinta mashaariicda kala duwan ee ay ka fulinayaan Deegaanka.

9. Waxa uu qabtaa hawlaha naqshadaynta dhismaha, dayactirka iyo dabagalka dhismaha; islamarkaana suuro gelinayaa fursadaha lagu siinayo qandaraas-qaatayaasha iyo shirkadaha la talinta, wuxuuna dabagal ku sameeyaa habka fulinta;

10. Wuxuu dusha ka maamuula in la dhaqan galiyo dabagalna lagu sameeyo in qandaraasyada dawlada ee lagu fulinayo miisaaniyada dawlada isagoo xaqiijinaya in lagu dhamaystiray hab waafaqsan heeshiiskii la galay iyadoo la sugayo heerka tayo, wakhtiga iyo qiimaha lagu heshiiyay.

11. Wuxuu Ogolaanshaha shaqo siiyaa qandaraslayaasha iyo la taliyaayaasha ka diiwaangashan heer dal ee u soo tartamay qandaraasyada, sidoo kale, wuxuu diiwaangaliyaa, dhirigali-yaa islamarkaana tageero u fidi-yaa Shirkadaha Guriyaynta.

12. Waxa uu suuro geliyaa in shacabku ka qayb qaataan Qorshaynta iyo hirgelinta hawlaha horumarinta magaalooyinka.

13. Waxa uu samaynayaa daraasaad iyo cilmi baadhid lagu dardar gelinayo horumarka iyo koboca dhinackastabaleh ee magaalooyinka lagu horumarinyo;

14. Si xal loogu helo dhibatoyinka hoy la aanta ee ka jirta magaaloyinka deegaanka wuxuu daraasad ku sameeyaa heerka hoy‟ la‟aanta ee shacabka magaalooyinka islamarkaana hirgeliyaa mashaariic guryo wadareed loogoo lagu dhimayo hoy la‟aanta ka jirta magaalooyinka

15. Wuxuu bixiyaa tabobaro kor loogu qaadayo awooda fulineed iyo adeeegbixinta Magaalooyinka Deegaanka.

16. Wuxuu daraasad ku sameeyaa heerka saboolnimo ee shacabka ku dhaqan magaalooyinka Deegaanka waxaanu hirgeliyaa mashaariicda shaqo abuurka iyo damaanadqaadka cunada ee laga hirgelinayo magaalooyinka.

17. Waxa uu dabagal ku sameeyaa mashaariicda ay wadaan Xafiisyada dawladda iyo ururada aan dawliga ahayn ee laga fulinayo magaalooyinka waxanu xaqiijiyaa inay waafaqsanyihiin Baahiyaha iyo istaraatiijiyadaha horumarinta Magaalooyinka.

18. Waxa uu magaalooyinka ku dhiirigeliyaa inay iskaashi, Khibrad wadaag iyo is taageersi ku xaqiijiyaan koboc xawli ah, wuxuuna taas u abuuraa xaaladaha ku haboon;

19. Magaalooyinka Deegaanka ayuu ka aasaasaa shirkadaha yaryar iyo kuwa heerarka hoose oo ku salaysan qaab laga sameeyey daraasad; wuxuuna siiyaa taageerada xirfadeed ee ay u baahanyihiin.

20. Waxa uu fidinayaa nidaamka habka haynta xogta oo casri ah kaasi oo suuro gelinaya sidii loo dedejin lahaa hawlaha maamulka iyo hab-isticmaalka dhulka magaalooyinka iyo adeegyada laga bixinayo magaalooyinka sidoo kalena wuxuuna dabagal ku samaynayaa habka fulintiisa;

21. Waxa uu dejinayaa nidaam lagu kobcin karo hanaanka adeegbixinta magaalooyinka; wuxuuna qaab farsameysan ku dabagalayaa habka adeeg bixintooda.

22. Isagoo la kaashanayo Maamulada Magaalooyinka Waxa uu magaalooyinka ka diyaarinayaa boosaska dhulka ee Maalgelinta ku haboon, adeegyada bulsho guriyaynta, wuxuu dabagal ku samaynayaa kobcinta iyo qaybintiisa.

23. Wuxuu diyaariyaa Qorshe-hagaha magaaloyinka waxaanu xaqiijiyaa in loo hogaansamo marka la fulinayo mashaariicda iyo kafaa‟iidaysiga dhulka magaalada, waxaanu magaalooyinka siiyaa taageero farsamo iyo mid aqooneed.

24. Waxa uu baadhayaa isbedelka Derajada magaalooyinka, wuxuuna go‟aaminayaa Derajada magaaladu yeelanayso isagoo ka duulaya Tirada shacabka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi.

25. Waxa uu aqoonsi siinaya Dawladaha hoose ee ay aasaastaan magaalooyinka, wuxuuna wuxuuna qeexaa xadka Magaalada iyo Derajooyinka dhulka magaalada isagoo raacaya shuruucda dhaqangalka ah.

26. Waxa uu xaqiijinayaa inay magaalooyinka u kobciyaan qaab waafaqsan siyaasada istaraatiijiyada iyo siyaasadaha iyo Qorshe hagaha.

27. isagoo la kaashanaya cidaha ay khusayso wuxuu dabogal ku sameeyaa Mashaariicda guriyaynta ee ay shirkadaha gaarka loo leeyahay ka fulinayaan magaalooyinka deegaanka.

28. Wuxuu fudaydiyaa in la dhiso guryo u dhigma awoodda dhaqaale ee bulshada ku dhaqan magaalooyinka deegaanka.

29. wuxuu suurtogeliyaa in lasoo saaro sharci xeerinaya nidaamka maamulka iyo jaangoynya kirada guryaha dawladda, marka la ansixiyana wuu dhaqangeliyaa.

30. Waxa uu hogaamiyaa islamarkaana hagaa wakaaladaha xafiiska hoos yimaada, isaga oo hubinaya qorshahooda shaqo, miisaaniyadahoodana ugudbinayaa Golaha hawlfulinta, marka la ansixiyana waxa uu xaqiijiyaa ka midho dhalinta qorshayaashooda shaqo.

31. Wuxuu xaqiijiyaa in dhamaann mashaariicaha dhismaha ee laga fulinayo Magaalooyinka Deegaanka inay ka faa‟iidaystaan Cududa shaqaale iyo dhalinyarada ku nool magaalada.

32. Wuxuu kormeer iyo dabagal ku sameeyaa mashaariicaha dhismaha ee ay fuliyaan Wakaaladaha Xafiiska hoosyimaada waxaanu qaadi talaabooyin sixitaan.

33. waxa uu suurtogeliyaa islamarkaana xaqiijiyaa in mashaariicda laga hirgelinayo magaalooyinka iyo miyigu ay yihiin kuwo isku xidhan oo waxtar u leh shacabka dhaqan miyiga iyo magaaladaba.

34. Waxa uu soo saaraa Awaamiirta xeerinaysa Heerka Nadaafada, Bilicda iyo Cagaaraynta ee laga rabo derajooyinka kala duwan ee Magaalooyinka, waxaanu dabogal ku sameeyaa hirgelintiisa.

35. Waxa uu qabtaa shaqooyinka kale ee lagu gaadhayo ujeedooyinka loo aasaasay Xafiiska.

36. Waa mulkiile Hanti, waa la dacweynkaraa magaciisana waxbuu ku dacweyn karaa.