Duties & Responsibilities Xilka iyo Waajibaadka Waaxda Isgaadhsiinta Iyo Xidhiidhka Dadwaynaha
Ujeedada ugu wayn ee waaxda Isgaadhsiinta iyo Xidhiidhka Dadwaynuhu waa in ay shacabka la wadaagto ama gaadhsiiso xogaha kusaabsan siyaasadaha, Barnaamijyada, shaqooyinka, iyo waxqabadka kaladuwan ee laanta Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS iyo sidookale in ay hogaaminta Xafiiska usoo gudbiso aragtida iyo dareenka dadwaynaha ee ku wajahan adeegbixinta iyo qaab-shaqeedka Xafiiska, si loo aasaaso loona xoojiyo Isfahan laba-geesood ah (Mutual understanding) oo u dhexeeya Xafiiska iyo Shacabkiisa.
Hawlaha ugu waawayn ee ay waaxdu qabato waxaa kamid ah:-
- Xidhiidhka warbaahinta (Media Relation)
- Bandhigyada, daabacaadaha iyo faafinta xogaha kusaabsan hawlaha iyo waxqabadka xafiiska
- Samaynta daraasaadyada laxidhiidha Isgaadhsiinta iyo ra’yiga Dadwaynaha
- Latalinta hogaaminta Xafiiska ee dhinaca warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha
- Dhisida, Ilaalinta iyo Difaacida Sumcada Xafiiska
- Maaraynta xogta xiliyada dhibaatooyinku dhacaan (Crises Communications Management)
- Samaynta iyo baahinta barnaamijyada maqal iyo muuqaalka ah iyo kuwa fool-ka-foolka ah ee kor looguqaadayo wacyiga bulshada
- Qabanqaabada, Isku dubaridka iyo Daadihinta munaasabadaha kaladuwan ee xafiiska
- Xidhiidhka bulshada; qaabilaada talobixinta iyo cabashooyinka (Community relation and Complaint Handling)
- Xidhiidhka bahwadaagta iyo qaabilaada martida xafiiska (Host person)
- Xidhiidhka gudaha Xafiiska (Employee relation)
- Ahaanshaha Af-hayeenka xafiiska iyo ka jawaabcelinta su’aalaha warbaahinta iyada oo lagalatashanayo hogaaminta xafiiska
- Diyaarinta hadal-qoraalada kaladuwan ee xafiiska iyo khudbadaha masuuliyiinta xafiiska
- Diyaarinta Fariimaha (Banner Messages) la daabacayo ee xafiiska
- Hawlaha turjumaada iyo tafatirka qoraalada kaladuwan ee xafiiska
- Dabagalka iyo lasocodka warbaahinta kaladuwan, si loogawarhayo xogaha ay baahinayaan islamarkaana jawaabta ku haboon looga bixiyo xiliga ku haboon.