Dayactirka Wadooyinka Maamulka Magaalada Jigjiga
Description
Waxaa jirta in magaalada jigjiga laamiyadii horay looga dhisay aan in muddo ah wax dayactir ah lagu sameynin taasoo caqabad ku noqotay isu socodka gadiidka iyo bilicda guud ee Magaalada, Sidaas darted ayaa waxa xafiisku qaatay qorshe guud oo lagu dayactirayo wadooyinka laamiyadii hore oo gaadhaya todobo wado oo dhararkoodu dhan yahay 4.5km (Killilka, Axmed Guray-Laamida dhexe, Masjidka Sh.C.Salaan-Ilaa ducale, Dowladda hoose-Taywaankii hore, Qaryaanka-Wadada laqerta cas iyo Taywaankii hore-Laamida Aayar daga) islamarkaana ay hawshan fulisay shirkadii shiinaha ee laamiyada cusub ee magaalada Jigjiga fulinaysay. Hadaba dayactirka laamayadii hore ee magaalada Jigjiga ayey bulshada magaalada Jigjiga ku dhaqan ay aad ugu diirsadeen islamarkaana bogaadiyeen. Mashruucan dayactirka ayaa 100% si habsami ah ku soo gabagaboobay adeegii loogu talagalayna bixinaya.
| Magaca Wadada | Dhererka | Bedka |
1 | Killilkii hore | 1,046.05M | 14,650.32M2 |
2 | Axmed Guray-Laamida dhexe | 1,352.56 M | 13,776.13m2 |
3 | Masjidka Sh.C. Salaan-Ducaale | 1,043 M | 7,248.85 m2 |
4 | Dowladda hoose-Taywaankii hore | 354.92M | 3,667.17 m2 |
6 | Qaryaanka-Wadada laanqeyrta cas | 564.912 M | 6,803.18m2 |
7 | Taywaankii hore-Laamida Aayar daga | 159.302 M | 1,397.66 m2 |