Ahmed Shukri Abdi

Ahmed Shukri Abdi

  • +2519
  • head@srsudcb.gov.et
  • Bureau Head Since Feb 15 2025
  • Official Portrait Download

ku saabsan wasiirka

Anigoo ku hadlaya magaca Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha, waxaan ku faanayaa doorka muhiimka ah ee xafiisku ka qaato horumarinta magaalooyinka Deegaanka Soomaalida. Xafiisku waxa uu ka shaqeeyaa kor u qaadista awoodda fulineed ee magaalooyinka, si ay u noqdaan xarumo leh hal-abuur, wax-soo-saar dhaqaale, iyo adeegyo tayo leh oo wax ka beddela nolosha bulshada. Himiladeennu waa in aan gaarno magaalooyin horumarsan oo leh qorshe, bilic, kaabayaal casri ah iyo deegaan ku habboon nolol iyo maalgashi, kuwaas oo gaara heer ay indhaha caalamka soo jiitaan. Xafiisku waxa uu u shaqeeyaa si waafaqsan shuruucda iyo istaraatiijiyadaha heer federaal iyo heer deegaan, isaga oo xaqiijinaya in dhammaan hawlaha dhismaha, qorshaynta magaalooyinka, guriyeynta, kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada ay u hirgalaan si hufan, daahfuran, isla-xisaabtan leh, kana tarjumaya baahida dhabta ah ee bulshada. Waxaan mudnaan gaar ah siinaynaa ka-qaybgalka dadweynaha, wadashaqaynta hay’adaha kala duwan, dhiirrigelinta hal-abuurka, horumarinta xirfadaha, iyo xaqiijinta sinaanta iyo caddaaladda. Sidoo kale, waxaan ka shaqaynaynaa in magaalooyinku u koraan si isku dheelitiran, una adeegaan danaha jiilalka hadda iyo kuwa mustaqbalka. Ugu dambayn, Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha waxa ka go’an hirgelinta qorshayaal waara, kormeer joogto ah, iyo horumarinta nidaamyo casri ah oo dardargeliya adeeg-bixinta, kana dhiga magaalooyinkeena kuwo la jaanqaada isbeddelka iyo horumarka caalamiga ah.

Past Bureau Head