Mashruuca Laamida Magaalada Jigjiga

Mashruuca Laamida Magaalada Jigjiga Lot 1 & 2

Mashruucan Laamiyada Magaalada Jigjiga oo Xukuumada deegaanku ahmiyad ku siinaysan kor u qaadida bilicda iyo meeqaamka Caasimada DDS laguna xaqiijinayay sidii adeegyada jidadka la socdana loogu horumarin lahaa qaab iskudhafan ayaa la qorsheeyay in 10.4km oo Laami ah islamarkaana ka kooban 5 jid laga fuliyo iyadoo hawsha mashruucan soo bilaabantay S.M 2012 T.I ayaa Qorshaha S.M 2014 T.I ahaa in la dhamaystiro dhamaan shanta mashruuca waxaana sida uu qorshuhu ahaa lagu guulaystay in la dhamaystiro Mashaariicda Laamiyada 5 ta ahaa eel aga fulinayay Magaalada Jigjiga kuwaas oo haatan dhamaaday adeegii loogu talo galay na bixiyay islamarkaana kor u qaaday bilica, meeqaamkii iyo Wajiyadii horumarineed ee Mgaaladu lahayd.

Details

Dayactirka Wadooyinka Maamulka Magaalada Jigjiga

Waxaa jirta in magaalada jigjiga laamiyadii horay looga dhisay aan in muddo ah wax dayactir ah lagu sameynin taasoo caqabad ku noqotay isu socodka gadiidka iyo bilicda guud ee Magaalada, Sidaas darted ayaa waxa xafiisku qaatay qorshe guud oo lagu dayactirayo wadooyinka laamiyadii hore oo gaadhaya todobo wado oo dhararkoodu dhan yahay 4.5km (Killilka, Axmed Guray-Laamida dhexe, Masjidka Sh.C.Salaan-Ilaa ducale, Dowladda hoose-Taywaankii hore, Qaryaanka-Wadada laqerta cas iyo Taywaankii hore-Laamida Aayar daga) islamarkaana ay hawshan fulisay shirkadii shiinaha ee laamiyada cusub ee magaalada Jigjiga fulinaysay. Hadaba dayactirka laamayadii hore ee magaalada Jigjiga ayey bulshada magaalada Jigjiga ku dhaqan ay aad ugu diirsadeen islamarkaana bogaadiyeen. Mashruucan dayactirka ayaa 100% si habsami ah ku soo gabagaboobay adeegii loogu talagalayna bixinaya.

 

 

Magaca Wadada 

Dhererka 

Bedka 

1

Killilkii hore

1,046.05M 

14,650.32M2 

2

Axmed Guray-Laamida dhexe 

1,352.56 M 

13,776.13m2 

3

Masjidka Sh.C. Salaan-Ducaale 

1,043 M 

7,248.85 m2 

4

Dowladda hoose-Taywaankii hore 

354.92M 

3,667.17 m2 

6

Qaryaanka-Wadada laanqeyrta cas

564.912 M 

6,803.18m2 

7

Taywaankii hore-Laamida Aayar daga 

159.302 M 

1,397.66 m2 

 

Details

Mashruuca Laamiyada Magaalada Godey

Magaalada Godey ayaa Xukuuumada DDS ahmiyad gaara iyadoo siinaysa horumarinta iyo kor u qaadida kaabaysha magaalada ayay Qorshaysay Hirgalinta Mashaariicda Laamiyada Magaaalda Godey oo dhererkoodu dhan yahay 10 KM taas oo 4.5 KM oo ka mida uu fulinayay Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS iyadoo Mashaariicdan ay soo socdeen ayuu qorshuhu ahaa in S.M 2014 T.I la soo gab-gabeeyo waxaana wakhtiga xaadirka la gabo-gabeeyay oo uu marayaa mashruucan 99% taas oo ay dhiman tahay oo kaliya galintii Laydhka Wadooyinka ( Steet light) oo qayb ka ahaa Mashruucan. Mashruucan Laamiyada Mgaalada Godey ayaa wax weyn ku soo kordhiyay Bilicda iyo Adeega Jidadka Magaalada islamarkaana kaalin laxaadle ka qaadanaya guud ahaan koboca iyo horumarinta Magaalada Godey oo ah Magaalada Labaad ee Deegaanka.

Shaxda:Xogta kooban ee mashruuca Laamida Magaalada Godey

Tir.

 

 

1.

Shirkada wada Mashruuca

Amal G. Contractor

2.

Wakhtiga Lagalay Heshiiska

9/03/2019

3.

Qiimaha Mashruuca

316,369,427.27

4.

Lacagta Baxday Ilaa Hada

312,621,807.32

5.

Heerka uu Marayo

99%

6

Heerkii qorshaysnaa

100%

7.

Wakhtiga Heshiiska Dib loo Dhigay

Illa 29/April/2022

8.

Wakhtiga uu Dhamaanayo

29/April/2022

Details

Mashruuca Laamiyada Magaalada Dhagax-Buur

Mashruucan Laamida Magaalada Dhagax-buur oo kamid ahaa Mashaariicaha kaabayasha dhaqaale ee laga fulinayay Magaalooyinka isbdadalka kadib oo ka koobnaa 3 wado oo dhererkoodu dhan yahay 2.1 KM oo ay Qorshaysnayd in S.M 2014 T.I la dhamaystirop ayaa laba wado oo akmida oo ah wadada 1 aad iyo 2aad la dhamaystiray 100% halka Jidka 3aad oo wax ka badal dhanka balaca ah u daahsana ayaan wali shaqadiidii sidii loogu talo galay aanay u qabsoomin. Halka labada wado ee kale ay bixiyaan adeegii loogu talo galay wadadaas 3 aad ayaan wali la dhamaystirin xalkii duminta dhinacyada wadada ee la qaatay in la balaadhiyo walina aan magdhawgii la dhamaystirin. Taas oo  guud ahaan heerka mashruucu Marayo ka dhigaysa 79.80%.

  • Shaxda:Xogta kooban ee mashruuca Lamida Magalada Dhagaxbuur

Tir.

 

 

1.

Shirkada wada Mashruuca

Guled Mohamed G.C

2.

Wakhtiga Lagalay Heshiiska

25/4/2019

3.

Qiimaha Mashruuca dib loo habeeyay

185,286,261.59

4.

Lacagta Baxday Ilaa Hada

152,227,077.19

5.

Heerkii qorshaysnaa

100%

6

Heerkuu marayo

79.8%

7

Wakhtiga Heshiiska Dib loo Dhigay

9 Bilood

8

Wakhtiga uu Dhamaanayo

 

Sawirada wadada laamida Magaalada Dhagaxbuur

Details